Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo kala hadlay saraakiisha AMISOM la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweyne Ku xigeenka HirShabelle ahna kusimaha Madaxweynaha Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Jowhar Saraakiisha Ciidamada Amisom gaar ahaan ciidamada Burundi ee ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cali Guudlaawe Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa saraakiisha Ciidamada AMISOM kala hadlay sugida Amniga deegaanada Hirshabeelle iyo dardar gelinta dagaalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay balan qaadeen inay ciidanka Dowladda kala qeyb qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo deegaannada Hir-Shabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa dhowaan sheegay in dowlada federalka uu kala hadlay sidii looga sifeyn lahaa deegaanada Hirshabelle dagaalamayaasha Alshabaab.