Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaran

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhow saxiixay sharciga doorashooyinka qaran ee heer federal oo ay dhowaan ansixyeen golaha shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku saxiixay sharciga doorashooyinka Qaran munaasabad lagu soo xirayay kalfadhiga lixaad ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.

Waxaa munaasabada goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,xildhibaano, wasiiro,maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.