Maraykanka oo markale duqeyn ka geystey degmada Jilib

Diyaaradaha aan duulyaha lahayn ee ciidamada Maraykanka ayaa duqeyn kale ka geystey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan ayaa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM waxaa lagu diley saddex kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab.

“Waxaa wax walba ka qiime badan in mid ka mid ah maleeshiyaadka Alshabaab aan dilno waayo waxa ay dhibaato ku yihiin Maraykanka iyo Afrikaba.”ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay AFICOM.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay inay baarayaan oo ay qiimeynayaan in waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah duqeyntan.

Ciidamada Maraykanka ayaa kordhiyay duqeynta ay ka geysanayaan deegaano kamid ah gobolka Jubbada Dhexe.