Shirka Golaha Wasiirada Hirshabelle oo maanta lagu qabtay Jowhar

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta shir guddoomiyay shirka golaha wasiirada Hirshabelle oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Shirka golaha oo todobaadkiiba mar qabsooma waxaa maanta aad looga dooday arrimaha amniga magaalooyinka xurta ah ee gacanta dowlada ku jirta iyo deegaanada ay kooxda Alshabaab.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay xaaladaha caafimaad darro ee lasoo darsay qeybo kamid ah degmooyinka Jalalqsi, mahadaay iyo Balcad oo uu ka dilaacay xanuunka shuban biyoodka.

Wasaarada caafimaadka ayaa ka warbixisay heerka uu la egyahay cudurada shubanka ee ka dilaacay degmooyinkaas iyadoo sheegtay in dawo ay gaarsiiyeen cusbitaalka Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne ku xigeenka Cali Gudlaawe Xuseen ayaa wasaarada Caafimaadka iyo hey’adaha caafimaadka ka shaqeeya faray inay gurmad xoogan la gaaraan degmooyinka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka.