Sheekadii Xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 120aad

Wax walba ayaa diyaar ahaa reer warsame Cali oo kaliya ayaa la sugaayey waqtigiina waa ay dhowreen oo mar kaliya ayay guriga soo galeen Falis oo Albaabka taagneyd si ay waalidkeed u soo dhaweysa ayaa ugu horeyn Hooyadeed isku duubtay oo dhinac kasta ka dhunkatay Aabe Warsame oo dhinac taagnaa ayaa ku yiri.

 

Aabe Warsame:

Falisey Aabe waxaan dareemayaa in aad ii xanaaqsan mar hadaad hooyadaa kaliya aad waqtiga siineyso

 

Falis markiiba Aabaheed ayay inta u soo jileecsaday labadana gacanna ka dhunkatay ayay ku tiri

 

Falis:

Kii layga beerow Aabe macaan sideen kugu xanaaqi karaa sow ubad la dhalay maahi 

 

Aabe Warsame:

Maasha allah Aabe Macaan Ma maleyn kartid sida aan ugu farxay aragaaga Maasha Allah Aabe Illaahay ha ku dhowro

 

Falis markaas kadib ayay u soo jeesatay walaalaheed waxa ayna laabta gelisay hablihii la dhashay Farxiya iyo Fartuun oo ay ku tiri

 

Falis:

Maasha allah waad weynaateen haye Fartuun Shiiqada walaahi mar walba oo xanuunsado Ayaan ku soo xasuusan jiray oo aan oran Jiray walaasheydii shiiqada aheyd ayaa iga maqan oo quraanka I saari laheyd haye Farxiya qurux ayaad ku soo baxday walaahi.

 

Farxiya oo kaftameysa ayaa tiri

 

Farxiya:

Haye Maasha allah I dheh

 

Mar kaliya ayaa la wada qoslay Falis waxaa hor yimid Cabdi Qani oo ku yiri 

 

Cabdi Qani:

Haye Ina Xaaji Warsame sidee ahaan wiilasha reerka kuuma xisaabsana

 

Falis mar kaliya ayay kor u fiirisay cida kor taagan ee la hadleysa inta ay ku soo booday ayay ku tiri

Falis:

Alla Walaalkay Rumaad ma ogtahay in aad tahay qofta kaliya ee reerkaan ka tirsan ee aan sida xoogan ugu xiisay 

 

Cabdi Qani:

Maasha Allah Walaashay sidoo kale Ayaan aniga laf ahaanteyda kugu xiisay 

 

Falis si ay isaga indho tirto Qadar oo garab taagnaa Cabdi Qani ayay markiiba waxay isku duubtay oo ay xambaartay Fardowsa oo aheyd gabdha reerka ugu yareyd oo ay ku tiri.

 

Falis:

Maasha allah Dooska Xaaji waan weynaatay

 

Fardowsa:

Magacaas waaba la ilaaway adiga ayaa ahaa cida kaliya ee igu yeeri jirtay 

 

Falis inta ay ku mashquulsaneyd Reerka waxaa dhinac goobta ka joogay Mursal oo dhamaan reerka si guud u salaamay markii uu dareemay in Falis ay Qadar iska indhi tireyso ayuu ku yiri.

 

Mursal:

Falisey waqtiga oo dhan ma albaabka Ayaan ku qaadanaa soo afjar salaanta 

 

Falis:

Walaalahey Ayaan aad ugu xiisay Mursalow

 

Sidii ayaa gudaha loogu wada gudbay Qadar marnaba isma xumeyn waana uu ka filaayey Falis in aysan si fudud ku ilaawi doonin wixii dheh maray. 

 

Qollkii fadhiga ayaa loo gudbay oo in cabaar ah lagu sheekeeyey waxaana aad loogu wada mashquulay Maxamed Yare oo marka laga reebo Hooyo Maryan cida inteeda kale u ahayd markii ugu horeysay ee ay arkaan waxaana la wada yiri“Walee Yaasmiin ma dhiman waa iyadiii oo halkaan taagan” .

 

Waxaa la isku raacay in la casheeyo waxaana loo dareeray miiskii cuntada oo si wanaagsan loo diyaariyey waxaana si guud ah loo guda galay cashadii cunisteeda waxaana la isku raacay in hadalka la furo waxaana hadalka furay Mursal oo yiri.

 

Mursal:

Waxaan aad ugu faraxsan nahay in aan caawa wada fadhino oo aan wada cunteyneyno waana idiinka Mahad celinayaa in aad iga aqabashaan casuumadaan. 

 

Aabe Warsame:

Laf ahaanteeda waxaana na siisay fursad aan gabadheena mudo kadib kula kulano marka waa in aan adiga kuu mahadcelinaa Mursal sow sidaa maaha Xaajiya.

 

Hooyo Maryan:

Maasha allah Wiilkayga aad Ayaan kugu mahadcelinayaa in casuumadaan aan isku aragno noo samaeyso

 

Mursal:

Aniga iyo Falisba waan ku faraxsan nahay in aad naga aqbashaan runtii waxaan isu heystaa in Reerkaan quruxda badan ee reer Warsame Cali aan ka mid ahay.

 

Aabe Warsame:

Maasha allah laf ahaanteena meel weyn ayaa nooga taal reeerkaan weligaa ka mid ayaa tahay maxaa yeelay xarigeena ma uusan go’in waa kanaa Maxamed yare oo wiilkeena ah ayaa noo dhaxeeya illaahay ha inoo dhaafa.

 

Mursal:

Aamiin Aabe, Hooyo Aabe iyo Walaalo caawa Ayaan mar kale rabaa in xarigeena aan adkeyno oo meshuu ka go’ay aan ka xerno waxaana caawa si Sharaf iyo xushmad ku jirta idiinka codsanayaa Falis gacanteeda in aad ii hibeysaan aniga iyo Walaashay waxaan ku heshiinay in aan nolosha wadaagno  oo aan noqono lamaane nolosha wadaaga.

 

Aabe Warsame:

Maasha allah Wiilkayga arrin aan ku farxo ayaad caawa ii sheegtay ma maleyn kartid sida hadalkaan aan mudo u dhowrayey.

 

Mursal:

Aabe arrintaan hore waad igala hadashay ma xasuusataa waxa aan ku dhahay waxaan ku dhahay Falis aan fursad siino waa taa walaashayna ay manta gareysato in aan nolosha macaankeeda wadaagno. 

 

Hooyo Maryan oo aad ugu riyaaqday hadalka Mursal ayaa inta ay istaagtay ayay Falis madaxa ka dhunkaday oo ay ku tiri.

 

Hooyo Maryan:

Falisey caawa inta halkaan fadhiso qof igaga farxad badan arrinkaan ma jirto waana hubay in maalin ay farxadaada imaan doonto balse mid Ayaan kaa codsanayaa si farxadaheyga ay u midoobaan waa ku baryaan Hooyo iga aqbal.

 

Falis:

Hooyo waan ku ogahay Meesha aad hadalka u wado laakiin waa ku baryaa ma doonayo in mowducaas halkaan lagu furo.

 

Hooyo Maryna markiiba Qadar ayaa ay fiirisay fadhigeedana waa ay ku soo laabatay waxaana mar kale hadalka qaatay Mursal oo Yiri.

 

Mursal:

Caawa waxaan rabaa in mid mid aan idiin weydiisto waana Falis Gacanteeda haye Qadar reerka adiga ayaa u weyn kolay Hooyo Aabe waa ay nala wadaageen sida ay ugu riyaaqsan yihiin arrinka.

 

Qadar:

Maasha allah aad Ayaan ugu farxay arrinka waana idiin bogaadinayaa

 

Sidoo kale ayaa Cabdiqani la soobooday

 

CabdiQani:

Maasha Allah Mursal cid adiga kaa wanaagsan oo Falis siin lahaa ma jirto

 

Sidoo kale ayaa Farxiya iyo Fartuun inta ay walaashood dhabanada ka dhunkadeen ku yiraahdaan Maasha Allah waa idiin bogaadineynaa.