Ciidamada dowlada oo ka fuliyay howlgal qorsheysan deegaan ka tirsan degmada Balcad

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo Milatari ah ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Danida oo dhinaca galbeed ka xiga degmada Balcad.

Howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa la sheegay in lagu diley labo dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab halka qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Labadan dagaalame ee la diley ayaa la sheegay in gaadmo lagu diley xilli ay ka ururinayeen lacag gaadiidka isaga kala goosha degmoyinka Balcad iyo Afgooye.

Sida ay sheegayaan dad ku sugan degmada Balcad ciidamadan ayaa ka soo furtay hub saldhig lagu qaado canshuurta oo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Danida.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-Shabaab, hase yeeshee ururka Al-Shabaab ayaa ku xoogan deegaanka u dhexeeya Balcad iyo Afgooye oo ah dhul wax soo saarka beeraha ku habboon.