General Xijaar oo isbedel ku sameeyay Taliska ciidamada Booliska Galmudug

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbedal ku sameeyay Taliska Guud ee Booliiska Galmudug iyo Talisyada Degmooyinka ay maamusho Dowladda Soomaaliya ee Galmudug .

Taliyaha Booliiska Galmudug ayaa loo magacaabey G/Sare: C/Kariin Xussen Macalin , Taliye xigeenka Booliiska Galmudug ayaa isna loo magacaabey G/sare Maxamed Nuur Cali .

Taliyaasha degmooyinka ee la soo magacaabey ayaa waxaa ka mid ah,Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb oo loo magacaabey Dhamme: Burhaan Axmad Rooble.

Isbadalka ayaa saameeyey Qaybaha Guud ee Goboladda Mudug , Galgaduud iyo Degmooyinka Dhuusamareeb , Caabudwaaq , Hobyo , Matabaan , Xeraale iyo Balamballe.
Halkan hoose ka aqriso wareegtada lagu magacaabay taliyaasha cusub;