Maamulka Somaliland oo ka hadlay booqashada Wasiirka Maaliyadda Itoobiya

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay booqashadii uu ku tegey magaalada Hargeysa Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shidde.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in booqashada Shidde aysan la xiriira wararka sheegaya in magaalad Hargeysa uu booqanayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

“Wafdiga wasiirka maaliyadda Itoobiya waxa uu ahaa mid salka ku haya xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dal.”ayuu yiri Wasiir Saleebaan.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in mowqifka Somaliland ee imaanshaha Farmaajo uusan waxba iska bedelin.

Dowlada Itoobiya ayaa saami dhaqaale ku leh dekeda Berbera,hase yeeshee dowlada Itoobiya ayaan ka hadlin booqashada wasiirkeeda ganacsiga uu ku tegey magaalada Hargeysa.