Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxbanaan

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa la kulmay xalay kguddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yarey) iyo xubno ka mid ah guddiga oo booqasho ku jooga magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa xubnaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ku amaanay howlaha wacyigalinta bulshada ee ay u tageen deegaanada maamulkaasi gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan ayaa la iskula soo qaaday doorashooyinka federalka ee la qorsheeyay in la qabto horaanta sanadka soo socda ee 2021.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madax banaan Xaliimo Yarey ayaa u sheegtay madaxweyne Qoor-qoor in Galmudug ay ka mid tahay meelaha loo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli sharciga doorashooyinka federalka uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.