Munaasabad lagu soo dhoweynayay ka qaadista xayiraada Shirkadda Al-Barakat oo Muqdisho lagu qabtay

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu dabaal dagayay xariyaraadii ay dhawaan waaxda maaliyadda ee dalka maraykanka ka qaaday shirkadda Al-barakaat ayaa lagu qabtay hoolka xafladaha ee hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Xafladan oo ay soo xaadireen mas’uuliyiin badan oo isugu jara kuwa dowladda, maamulka shirkaddaha, ganacasato iyo odayaasha dhaqanka, culimaaudiin iyo qeybaha kale ee Bulshadda ayaa lagu amaanay talaabada uu maraykanka xayiraada uga rogay shirkada Barakaat oo dowlada maraykanka xayiraad saaratay sanadkii 2001kadib markii lagu eedeeyay in taageero siiso ururadda argaixisada.

Jawaahir Baarqab, gudoomiyaha Ururka haweenka ee gobolka Banaadir oo kamida masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeysay sida ay dadka soomaaliyeed shucuurtooda u muujiyeen markii xayiraada la saaray shirkadda.

Sheikh Cali Wajiis, oo Kamida culimadda Soomaaliyeed ayaa u rajeeyay maamulka shirkadda Al-Barakaat in ay horumar la taaban karo markale gaarsiiyaan umadda soomaaliyeed

Gudoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed Batuulo sheikh Axmed Gaballe oo xaflada kalmad kooban ka jeedisay ayaa tilmaantay muhiimada ay leedahay in xayiraada laga qaado Shirkadda al-barakat.

Gudoomiyaha Shirkadda Barakaat Sheikh Axmed Ali Jamcaale Kasheekeeyay garab istaagii ay u sameeyeen dadka soomaaliyeed kadib go’aankii ay dowladda maraykanku xayiraada u saartay shirkaddaha Barkaat iyo wixii kadhashay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in asagu uu goobjoog ka ahaa dhamnaan dhacdooyinkii dhacay xiligii shirkadda xayiraad la saaray islamarkaan uu xiligan aad ugu faraxsanyahay in ay dib u helaan xoriyadoodi ganacsi.