Axmed Madoobe oo ka bilaabay abaabul dagaal magaalada Dhoobley

Wararka ka imanaya magaalada Dhoobley oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ka bilaabay magaaladaas kulamo uu la yeelanayo ciidamada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa saraakiisha kala hadlaya sidii ay ka yeeli lahaayeen ciidamada dowlada ee laga keenay Muqdisho oo ku sii fidaya deegaano ka mid ah Jubbaland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Axmed Madoobe uu ciidamadiisa u diyaarinayo dagaal ay la galaan ururka Al-Shabaab si ay ula wareegaan deegaano cusub maadaama inta badan gobolka Gedo haatan gacantooda ay ka baxday.

Axmed Madoobe ayaa saraakiisha amray la bilaabo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee uu ka arrimiyo maamulkan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa gelinkii dambe ee shalay Dhoobley ku tegay diyaarad militeri oo ka qaaday magaalada Kismaayo oo ay leyihiin ciidamada cirka ee dowladda Kenya.