Feeryahanad Soomaaliyeed oo ka guuleysatay feeryahanad Kenyan ah

Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa u soo baxday Rubuc dhamaadka Isreebreebka Feerka Afrika ee loogu soo gudbayo Ciyaaraha Olambikada Adduunka ee magaalada Tokiyo ee Cariga Jabaan.

Ciyaartaasi oo ka dhacday magaalada dhakar ee dalka Senegaal, ayay Ramla garaacday Beatrice Akoth oo u dhalatay dalka Kenya, waxayna hadda u baahan tahay inay kulanka soo socda guuleysato, si ay taariikh u sameyso, islamarkaana ay u noqoto gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee Feeryahanad ah ee ka qeyb gasha ciyaaraha Olambikada Adduunka.

Ramla Cali ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho balse waxa ay hadda ku nooshahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.Tartano badan oo ay ka qeybgashay ayay Ramla ku guuleysatay billado.