Madaxa Sirdoonka Israel Yossi Cohen oo booqasho qarsoodi ah ku tegey Qadar

Madaxa hay’ada sirdoonka Israel ee Mossad iyo taliyaha ciidamada qeybta Koofureed ee Israel ayaa booqasho qarsoodi ah ku tegey dalka Qadar iyagoo la kulmay madaxa sirdoonka dalka Qadar.

Warkan oo ay daabacday Al Carabiya ayaa lagu sheegay in Madaxa Sirdoonka Israel Yossi Cohen iyo General Herzi Halevi ay la kulmeen Mohammed bin Ahmed al-Misnad, oo ah Madaxa sirdoonka dalka Qadar ahna la taliyaha ammaanka ee Amiirka Qadar.

Wasiirkii hore ee difaaca Israel Avigdor Lieberman ayaa xaqiijiyay booqashadan waxana uu sheegay in ra’iisul wasaaraha Israel Netanyahu uu u diey Cohen magaalada Doxa February 5 si uu u xaqiijiyo in dowlada Qadar ay sii wado maalgelinta ay siiso ururka Hamas.

Kulankan ayaa waxaa wargeyska Al Arabiya ee laga leeyahay Boqortooyada Sacudi Carabiya uu sheegay in kulankan ay ka qeybgaleen saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumada Qadar.