Wakiilo ka socda beesha caalamka oo la kulantay Guddoomiye Mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa kulan la qaatay Wakiilo Ka Kala Socday UN, USA Iyo safiirada dalalka La isku yiraahdo Copenhegan Group oo ah safiirada dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya.
Kulankan ayaa looga hadlayay Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Dabayaaqada sanadkan 2020-ka.

Safiirada ayaa ku amaanay Baarlamaanka Soomaaliya howlaha ay hayaan ee la xiriira Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan sameynta sharciyada muhiimka u ah Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kalena waxay amaaneen horumarada kala duwan ee ay gaartay Dowlad Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida uu sheegay Xoghayaha guud ee Golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta.