Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku eedeeyay madaxda dowlada inay dayaceen ciidamadii Ceel Saliini

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay weerarkii Al-shabaab maalmo kahor ay ku qaadeen deegaanka Ceel-saliini ee duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku eedeeyay madaxda dowlada federalka inay dayacday ciidankaas.

Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayaa marka hore waxaa uu tacsi u diray Ciidankii dowladda Federaalka ee ku geeriyooday weerarkii Khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay deegaanka Ceel-saliini.

Waxaa uu sheegay C/raxmaan C/Shakuur in Ciidanka dowladda ee ku sugan Ceel-saliini la dayacay, isla markaana Al-shabaab tiro saddex jeer ah ay weerar xoogan ku qaadeen Ciidanka.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa sheegay in ciidankaa xitaa aaskooda aysan dowladu tegin,eheladii ay ka geeriyoodeen shuhadadiina aysan u tacsiyeyn.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo qoray C/raxmaan C/Shakuur.

Allaha u naxariisto ciidankii shuhaddada ahaa ee lagu laayay Ceel Salliini. Waxaan xog ku heynaa in ciidankaas la dayacay, cadawgana loo baylahiyey. Tiro 3 jeer ayaa la soo wareeray, iyadoo ay Alshabaab mar walba ciidan caabboon ku soo weerarayeen xerada. Ma jiro ciidan beddela, ama lagu xoojiyo ciidanka la laayey, sababtuna waa in ciidankii xoogga dalka loo daabulayo in lagu qabsado deegaanno nabad ah oo Alshabab laga xoreeyey.

Madaxda Dowladda Federaalka waxay qarinayaan ciidanka ay Alshabaab laayeen, warbaahintana waxay ku cadaadiyeeen in aysan ka hadal. Waxaa kaloo wax laga naxo ah in aysan Aaskooda tegin, eheladooda u tacsiyeynin, agoontii ay ka tageena booqan, kuwii ka harayna niyadda u dhisin. Dad sidaa u dhaqmaya miyaan ka rumaysan karnaa in ay ciidan dhisayaan, cadawga Alshabab-na jebinayaan.

Si kastaba Al-shabaab warar ay ku qoreen barahood Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerarkii Ceelsaliini ay ku dileen in ka badan 30 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda , halka Taliska Ciidanka Xoogga uu tilmaamay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka shabaab.