Duqeyn ka dhacday Jilib oo lagu diley Maamulihii Shirkadda Hormuud

Diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn ay ka geysteen degmada Jilib waxa ay ku dileen Maamulihii Shirkadda Hormuud Maxamuud Xaaji Salaad.

Sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Jilib Maxamuud Xaaji Salaad oo dhowr lixda jir ah ayaa lagu diley beer uu ku lahaa meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Warka dilka Sarkaalkan ka tirsanaa shirkadda Hormuud ayaa waxaa saxaafada u xaqiiiyay mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Hormuud.

Wararka ayaa sheegaya in labo gantaal lagu dhuftay beerta Maamulihii Hormuud ee Jilib,balse ma jiro cid kale oo wax ku noqotay duqeynta.

Hase yeeshee War Saxaafadeed ay soo saartay dowlada federalka ayaa lagu sheegay in duqeynta ka dhacday magaalada Jilib lagu diley sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay si wadajir ah u fuliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykan ee AFRICOM isla markaana la qaaday taxadar dheeri ah oo lagu ilaalinayo waxyeello soo gaarta shacabka.

“Iyada oo si buuxda loo baarayo eed walba oo soo baxda. Ilaa hadda ma jirto cid shacab ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Ciidamada Maraykanka ayaa kordhiyay duqeynta ay ka geysanayaan deegaano ku yaal gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Jubbada Dhexe.