Faahfaahin ka soo baxaysa toogasho ka dhacday saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin Sh/dhexe

Wararka ka imanaya degmada Mahaday gaar ahaan deegaanka Buurane ayaa sheegaya in labo askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM ay ku dhaawacmeen kadib markii meel fog laga toogtay.

Toogashadan oo ay xaqiijiyeen ciidamada AMISOM ayaa waxaa dhaawacyo ka soo gaaray labo askari oo ka tirsan ciidamad Burundi ee saldhig ku leh dhinaca waqooyi ee deegaanka Buurane oo ka mid ah degmada Mahaday.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan saldhigga ayaa rasaas badan furay kadib markii ay dhacday toogashada,hase yeeshee lama sheegin cid wax ku noqotay.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Buurane gaar ahaan agagaarka xerada ciidamada AMISOM ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda kadib markii ay korortay rasaasta ay ciidamada AMISOM ridayaan.

Labo maalmood ka hor ayay ciidamadan waxa ay toogasho ku dileen nin xoolo dhaqato ah halka ay mid kalana ku dhaawaceen kadib markii ay la qaraxday miino mid ka mid ah gaadiidka ciidamada ee AMISOM.