Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray magaalada Dhoobley

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Boqolaal dadweyne ah Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha ku soo dhawaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhoobley.

Axmed Madoobe oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagaas ka howlgala.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu Dhoobley ku sugan yahay la kulmi doona Dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Deegaanka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku tegey magaalada Dhoobley diyaarad nooca rakaabka qaada ah.