Madaxweynaha Koofurgalbeed Laftagareen oo xilalka ka qaaday wasiiro

Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilalkii ka qaadey qaar kamid ah golihiisa Wasiirada.

Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa xilkii looga qaadey Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Cusmaan Malaaq,Wasiirka Shaqada & Shaqaaaha Feysal Cabdullaahi Cali iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jabriil Maxamuud Aadan.

Sidoo kale Madaxwyene laftagareen ayaa xilka Wasiirka Waxbarashada u Magacaabey Maxamed Yuusuf Xasan, Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Cabduqaadir Cumar C/llaahi halka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada loo Magacaabey Cabdi fitaax Isaaq Maxamed.

Xilka qaadistan ayaa lagu sababeeyay inay tahay dardar gelinta howlaha Maamul goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.