Habraaca Xulista Baarlamaanka 2aad ee Koofurgalbeed oo la shaaciyay

Guddiga Farsamada Madaxabanaan Koonfur Galbeed Soomaaliya ee soo xulista Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray Jadwalka iyo Habraaca soo xulista Xildhibaanada.

Qoraal uu soo saaray guddiga maanta ayaa lagu sheegay in Diiwaan-gelinta Odayaal dhaqameedyada iyo u tababarida soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay bilaabaneyso 26-ka Bishaan February 2020 ayna ku egtahay 29-ka bishaan.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in soo xulista iyo diiwaangelinta xubnaha baarlamaanka ay bilaaban doonto 1da bisha March ayna socon doonto illaa 15 Maarso 2020.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay soo saareen guddigan;