Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada caasimadda ah ee Qaahira xilli qalliin lagu sameynaayay sida uu baahiyey Telefashinka Qaranka dalkaas.

Xusni Mubaarak xilk waxaa uu xukunka la wareegay sanadkii 1981 waxaana uu xilka hayay illaa 2011-kii, hase yeeshee waxaana afgambiyay militariga kaddib kacdoonkii Guga Carabta ee ka dhacay dalkaas.

Maxamed Xusni Mubaarak ayaa waxaa uu ku geeriyoodey da’da 91 sanado ayuu Xabsi ku jiray, isaga oo xurriyadiisii dib u helay sanadkii 2017.

Madaxtooyada Masar war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Xusni Mubarak uu ahaa hogaamiye Milatari iyo Halyey Dagaal,waxana tacsi ay u dirtay qoyska Mubarak.

Meydka Sarkaalkii hore uga mid ahaa ciidamada cirka dalka Masar ayaa aas milatari loo sameynayaa balse lama sheegin xilliga rasmiga ah ee la aasayo.