Maxkamada Ciidamada oo xukun ku ridey rag lagu helay dambi ah burcadnimo

Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa loo heystaa in ay yihiin koox ka qaatayaal ah oo loola jeedo koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada iyo Kombiitarrada.

23-kii August Sanadkii tegay ayay weerar furasha ah ku qaadeen Askari ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo xilligaas ka yimid Jaamacad, waxa uuna maareeyay isku daygoodii isaga oo ay u suura gashay in uu dhaawaco mid kamid ah kooxdan ka qaatayaasha halka kuwa kalane ay ka baxsadeen xilligaasi balse mar dambe oo ay dabagal ku sameeyaan hey’adaha Amniga ay soo qabteen Sedaxda eedeysane bishii sagaalaad ee sanadkaas.

Hey’adaha baarista ciidamada amniga ayaa ka gutay waajibaadkooda Baariseed, waxa ayna Xafiiska Xeer ilaalinta ku soo wareejiyeen kiiska Sedaxda eedeysane.

Garsoorayaasha oo ka baaran degaya nuxurka dacwada iyo mugga kiiska ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar la siiyo xurriyadiisa hadii uusan jirin dambi kale halka Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.