Wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Coronovirus oo dalal hor leh gaaray

Iranian women wearing protective masks to prevent contracting a coronavirus walk at Grand Bazaar in Tehran, Iran February 20, 2020. WANA (West Asia News Agency)/Nazanin Tabatabaee via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. - RC2D4F97HCHZ

Cudurka Coronovirus ayaa ku sii fidiya wadamo badan oo caalamka ah iyadoo cudurkan laga helay mid kamid ah mas’uuliyiinta dowlada Iran.

Dowlada Iran ayaa shaacisay in tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronvirus ay gaartey 95 ruux,iyadoo 15 ruuxna ay u geeriyoodeen cudurkan.

Wasiir ku xigeenka caafimadka dalka Iran Iraj Harirchi laga helay cudurka Coronovirus sida uu sheegay la taliyaha arrimaha warfaafinta ee wasaarada.

Haririchi ayaa shir jaraa’id oo uu shalay qabtay waxa uu baahiyay xubin ka mid ah baarlamaanka Iran oo sheegay in konton ruux ay u geeriyoodeen cudurkan.

Wadamada Baxreyn iyo Cummaan ayaa laga helay dad cusub oo uu soo ritey Coronovirus, dalka Cumaan ayaa labo ruux oo cusub laga helay halka Baxrayn laga helay sagaal ruux.

Dalka Austria gaar ahaan gobolka Tyrol ayaa markii ugu horeysay laga helay labo ruux oo cudurkan qabta sida ay sheegtay afhayeen u hadashay wasaarada caafimaadka.

Labada ruux ee laga helay cudurkan ayaa u dhashay dalka Talyaaniga waxaana loo maleynayaa inay ka yimaadeen gobolka Lambardia oo cudurkan laga helay dad qaba.

Sidoo kale dalka Croatia ayaa markii ugu horeysay lagu arkay qof qaba cudurkan,waxaana la dhigey qofkan isbitaal ku yaal magaalada Zagreb ee caasimada dalka Croatia.
Sacuudi Carabiya ayaa kula talisay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Talyaaniga iyo Japan.