Wasiirka Arrimaha Dibbada oo la kulmay Safiirka dalka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga Mehmet Yilmaz, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada nacfi wadaagga, gaar ahaan is-weydaarsiga ganacsiga iyo ballaarinta mashaariicda maalgeshiga.

Wasiirka iyo safiirka waxay si weyn iskula jeex-jeexeen arrimo ku salaysan ganacsiga iyo maalgeshiga labada dal. Dalka Turkiga ayaa waxaa ku sii qulqulaya ganacsato Soomaaliyeed iyagoo dalkaas ka iibsaday dhismooyin badan waxaana ganacsatadii xarumaha ku lahayd dalka Kenya ay bilaabeen inay u guuraan dalka Turkiga.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dowlada Turkiga ay ka bilaabayso sahamin dhinaca shidaalka ah ee xeebaha dalka Soomaaliya.