Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay miisaaniyad labo jibbaar ka badan tii sanadkii hore

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ansixiyay miisaaniyada 2020 taasoo ah mid labao jibbaar ka badan miisaaniyadii sanadkii hore ee Maamulka Galmudug.

Kulan uu maanta yeeshay Baarlamaanka Galmudug ayna soo xaadireen illaa 64 xildhibaan ayaa dhammaan xildhibaanadu waxa ay oggolaadeen Miisaaniyad la horkeenay.

Miisaaniyadda 2020 ee Galmudug ayaa lagu gaareysa $17,230,54 (Todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, konton iyo afar doolar), taasoo marka la barbardhigo tii sanadkii 2019 oo ahayd $6,960,705.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Cali Gacal ayaa sheegay inay Xildhibaanada Galmudug u codeeyeen Maasaaniyadda lasoo gudbiyey isla markaana ay hadda wixii ka dambeeyo tahay mid ansax ah.

Hase yeeshee, Miisaaniyadan ayaa la ansixiyay iyadoo Maamulka Galmudug uu leeyahay saddex Baarlamaan iyo Saddex Madaxweyne.