Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo Puntland

Wararka ka imanaya gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan uu ku dhex maray Galbeedka Hadaaftinimo ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland.

Iska horimaadkan ayaa yimid kamid markii Ciidamo katirsan Somaliland oo kasoo baxay Magaalada Yubbe ay is rasaaseeyeen ciidamo kale oo katirsan Puntland oo joogay meel ku dhow deegaanka.

Dagaalka oo socdo muddo kooban ayaa la sheegay in uu iskii u istaagay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Lama sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay dagaalka mana jirto cid ka hadashay dagaalkan dhex maray Somaliland iyo Puntland.

Dadka deegaanka waxa ay dhanka kale sheegeen in labada dhinac ay maalmihii ina dhaafay kala wadeen abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo cabsi gelisay xasiloonida Gobolada Sool iyo Sanaag.

Shalay ayay ahayd markii degmada Laasqoray ay ku dagaalameen ciidamo ay kala wateen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ugu magacaaban Puntland iyo Guddoomiyaha Somaliand ugu magacaaban Badhan.