Maamulka Somaliland oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay gobolka Sanaag

Maamulka Somaliland ayaa guulo ka sheegtay dagaal maanta ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Putnland deegaan kamid ah gobolka Sanaag.

Qoraal ka soo baxay afhayeenka ciidanka Soomaaliland, ayaa waxaa lagu sheegay in ciidankooda ay guulo la taaban karo ka gaareen kuwa Puntland islamarkaanka ay ka furteen hub iyo waliba sidoo kale gaadiid dagaal sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxaya maamulkaasi.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in ciidanka Puntland ay iyagu dagaalka soo qaadeen sidoo kalane ay maalmihii la soo dhaafay daan-daansi ciidan ay ka wadeen gobalka Sanaag, waxaana Soomaliland ay sheegtay in ay iska caabiyeen dagaalkii lagu soo qaaday.

Ugu dambeyntii qoraalka waxaa lagu soo gabagabeeyay in Soomaaliland aysan doonayn dagaal balse haddii laga deyn waayo daan daansiga joogtada ah in ay qaadi doonto tallaabo ay ku gudanayso waajibaadkeeda.