Akhriso;Heshiiska laga gaaray Doorashooyinka Somaliland

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada Somaliland oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa lagu gaaray heshiis hordhac ah oo ay saddexda Xisbi kala saxiixdeen.

Heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Midowga Yurub oo dhaqaalaha Doorashooyinak bixinaya.

Sadexda Xisbi ee Somaliland ayaa ku heshiiyey sadex qodob oo muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka, iyadoo xooga la saaray sidii ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen doorashooyinka labada golle iyo deegaanka oo dhawaan qorsheysan.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah

1: Somaliland waa in ay doorashada Golaha barlamaanka Iyo Golaha degaanka La qabtaaa Bisha 9-aad ee sanadkaan 2020.

2: Waxa doorashada Maamulaaya Koomishankii Hore ee Qaranka oo Lagu daray Saddex Xubnood oo beesha Caalamka Ah.

3: Dhamman Xogaha Iyo Ducmentiska Doorashooyinka Somaliland Waxa Maamulaaya 3 ruux oo ka Socda Midowga Yurub.

Halkan hoose ka aqriso dhammaan heshiiska;