Dagaal ka socda magaalada Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyay

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobleedka Galmudug ayaa sheegaya in is rasaaseyn xoog leh ay ku dhex martay goordhow bartamaha magaalada Dhuusamareeb ciidamada ku suganaa bar koontarool iyo ciidamada ilaalada ka ah xarunta Ahlu Sunna ee magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in israsaaseyntan ay ka bilaabatay kadib markii baabuur ay lahaayeen ciiidamada Ahlu Sunna uu xoog ku soo dhaafay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Galmudug.

Illaa iyo hadda lama sheegin cid wax ku noqotay is rasaaseyntan oo iskeed u joogsatay.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad ka dhalatay israasayntan laga dareemayo gudaha magaalad Dhuusamareeb.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco jowhar.com