Dowlada Soomaaliya oo ku eedeysey Dowlada Kenya farogelin sheegtayna inay qaadayso tallaabo

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibbada Dowlada Federalka ayaa looga hadlay farogelin la sheegay inay ku hayso dowlada Kenya dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa loogu baaqay dowlada Kenya inay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madax banaanida Soomaaliya iyo falal xasilooni darro ah oo ay ka wado xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibbada ayaa sheegtay in muddo ay ka sugeysay dowlada Kenya inay wax ka bedesho habdhaqankeeda balse ay taasi suurtogali weyday.

Waxayna ugu dambeyntii dowlada Soomaaliya sheegtay inay qaadi doonto tallaabo diblumaasiyeed si loo ilaaliyo qarnimada dalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka ka soo baxay dowlada Soomaaliya.