Faahfaahino ka soo baxaya iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imanaya deegaanka Xaaji Cali ee ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya oo ku dagaalamay deegaankaas.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iskahorimaadkan uu geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,kadib markii ciidamo Milatari ah khilaaf soo kala dhex galay.

Afar ruux oo rayid ah oo labo ka mid ah ay  ahaayeen dumar ayaa ku dhintey iskahorimaadkan iyadoo saddex kale oo ay labo dumar tahayna ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay iska horimaadka ayaa waxaa la dhigay isbitaal ku yaala degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada deegaanka uu haatan degen yahay iyadoo halkaasina ay gaareen saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.