Guddoomiye Cumar Filish oo xarriga ka jaray Maktabad cusub oo laga hirgeliyay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xarigga ka jaray, Maktabad cusub oo maamulku ka hirgeliyay gudaha xarunta Dhalinyarada Gobolka.

Maktabaddan ayaa lagu maamusay, Duqii hore ee Muqdisho, Allah u naxariistee, C/raxmaan Cumar Cismaan Eng; Yariisow.

Isagoo ka hadlayay musaabadii lagu furayay Maktabaddan ayuu Guddoomiye Cumar Filish sheegay in u jeedka Guddoomiyihii hore loogu magac daray ay tahay in ay kor u qaadaan wax qabadkii Duqii hore iyo kaalintiisa Bulshada Gobolka Banaadir.

Hore ayaa loogu magac daray garoonka kubbada cagta ee la oran jirey Koonis Stadium duqii hore ee Muqdisho Inj Yariisow.