Jubbaland oo Ciidamo daraawiish ah gaysay Baladxaawo

Wararka ka imanaya Jubbaland ayaa sheegaya Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Jubbaland la geeyay degmada Beledxaawo kadib markii ay ka tageen magaalada Dhoobley.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku biireen ciidamo hore halkaa u joogay kuwaasoo ku sugnaa duleedka magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Gudaha magaalada Beledxaawo ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowlada federalka kuwaasoo laga qaaday magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay Xasilooni iyo daganaansho kusoo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii lasoo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah sida ay sheegeen.

Magaalada Dhoobley ee gobolka Gedo ayaa waxaa dhowaan gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe isagoo kula kulmay saraakiisha ciidamada ee halkaas ku sugan.