Wararkii ugu dambeeyay ee Cudurka Coronovirus oo sii faafaya

Madaxweyne ku xigeenka dalka Iran ee Arrimaha Haweenka iyo qoyska Masoumeh Ebtekar ayaa laga helay cudurka Coronoviruska iyadoo dad badana uu soo ritey cudurkan.

Hase yeeshee xaalada Ebtekar ayaa la sheegay inay tahay mid degen oo aan isbitaal la seexin. Dalka Iran ayaa dadka u dhintey cudurkan waxa ay gaareen 26 ruux halka 245 kale uu soo ritey.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka qaba cudurkan ee dalka Iran ay ku jiraan ilaa 7 ruux oo kamid ah mas’uuliyiinta dalka Iran.

Dhinaca kale cudurkan ayaa ku sii fidaya wadamo badan oo caalamka,waxaana wadamadii ugu dambeeyay ee laga helay cudurkan ka mid ah Estonia, Denmark, Georgia, Brazil, Pakistan, Sweden, Norway, Greece, Romania iyo Algeria.

Dowlada Kuwait ayaa ku dhowaaqday in xarumaha tababarida ciidamada la hakin doono laga bilaabo 1da bisha March muddo labo toddobaad ah.

Wasiirka Caafimaadka Kuwait ayaa sheegay in illaa 48 ruux uu ku dhacay cudurkan,iyadoo dhammaan bukaanada ay yihiin kuwo booqday dalka Iran.

Saddex ruux oo kale ayaa ugu dhintey cudurkan gudaha dalka Talyaaniga waxana ay ka dhigeysaa tirada dadka ugu dhintey cudurka dalka Talyaaniga illaa 17 ruux.

Tirada cudurkan uu ku dhacay dalka Talyaaniga ayaa gaartay maanta 650 ruux,waxayna dadkaasi badankood ay ku nool yihiin gobolada Waqoyi ee dalka Talyaaniga sida Lombardy iyo Veneto.