C/raxmaan Odawaa oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka Dhuusamareeb

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa baaq nabadeed h diray dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo taageeraya Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Ciidamo taabacsan Ahlusuna ayaa xalay iyo saaka dagaalo goos goos ah ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb.

C/raxmaan Odawaa oo ka mid ahaa Musharaxiintii taagneyd xilka Madaxweynaha Galmudug, isla markaana qaadacay doorashadii ay dowladdu daadihineysay ee uu ku soo baxay Musharaxii ay wadatay Axmed Qoorqoor ayaa ayaan darro ku tilmaamay colaada maanta ka oogan Dhuusamareeb.

Akhriso baaqa C/raxmaan Odawaa uu ku soo qoray bartiisa Facebook:-

Baaq Nabadeed ayaan u dirayaa dhinacyada Dhuusamareeb ku diriraya.

Waxaa ayaan daro ah maanta colaada ka oogan Dhuusamareeb, waxaa aad ii damqaya Shacabka waxyeelada kasoo gaartay ee korkeeda lagu dirirayo Dowlada Fedraalka iyo Ahlu Suna waxaan ugu baaqaayaa in la joojiyo dagaalka oo xal aan qori aheyn wax lagu raadiyo.

Waxaan ka codsanayaa Odoayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo dhamaan ree Galmudug in loo kaco daminta colaada iyo xalka Galmudug.

“Kugu-dhimayoo-kaa-dhimay waa huq”