Dagaal u dhexeeya Ahlu Sunna iyo Ciidamada Dowlada oo ka bilowday magaalada Guriceel

Dagaalka u dhexeeya Ciidamada daacada u ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo ururka Ahlu Sunna ayaa ku fidey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ah ururka Ahlu Suna ay weerareen saldhigga Booliska Guriceel iyagoo haystay muddo kooban.

Ciidamada dowlada ayaa dib isu soo abaabulay marlabaadna u suurtogashay inay la wareegaan saldhigga booliska Guriceel.

Dagaalka ayaa la sheegay in labo askari oo labada dhinac ah ay ku dhinteen,waxaana jira xiisad ka jirta weli magaalada Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya inuu socdo abaabul dagaal oo labada dhinac ah iyadoo gurmadyo ay labada dhinacba u imanayaan.