Kenya oo ka jawaabtay eedeymo ay u soo jeedisay dowlada Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay warqad shalay ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Dibbada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ku eedeysay dowlada Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Qoraalka ayaa dowlada Kenya ugu baaqday inay si deg-deg ah u joojiso “xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanideeda iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal”

Afhayeenka dowlada Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in haddii Soomaaliya ay dacwad qabto ay tahay inay soo mariso safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.

“Kama hadli karno waxyaabaha ku qoran war saxaafadeedka, ilaa iyo haddana ma lahan wax naga soo gaaray Dowladda Soomaaliya, kamana hadli karno waxyabaaha ay ka warramayana warbahainta, marka wax dacwad ah oo naga soo gaaray Soomaaliya habayaraatee malahan,” ayuu yiri Oguna oo ay wareysatay idaacada Bbcda.

Cyrus Oguna ayaa beeniyey eedeymo loo soo jeediyay dowlada Kenya oo ah inay martigelisay qof baxsad ah ayna gudaha magaalada Mandhera ay ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah.

“Waxaan nahay dal uu sharciga ku shaqeeya, waxaanu ixtiraamnaa xeerarka caalamiga ah balse haddii ay jirto cid wax ka tabaneysa Dowladda Kenya waxaa jira wadiiqooyin loogu talo galay oo ay tahay in la maro oo lagu dacwoodo. Mana jirta sabab aanu u martigelino qof baxsad ah. Marka wax dacwad oo rasmi ah oo inaga soo gaartay safaaradeenna Muqdisho ma jirto, wana halkaas wadada ay tahay in la maro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowgii bishan ay dowelada Kenya ka dalbatay inay u soo gacan geliso Cabdirashiid Janan, oo ay sheegtay inuu 28-kii January kasoo baxsay xabsi lagu hayay tan iyo bishii August ee sanadkii hore.