Maraykanka oo ka digey weerar lagu qaado hotelada magaalada Nairobi

Safaarada Maraykanka ee dalka Kenya ayaa soo saartay digniin ku aadan suurtogalnimada in weerar lagu qaado mid ka mid ah hotelada waaweyn ee magaalada Nairobi.

War kooban oo safaaradu ku daabacday shabakadeeda ayay ku sheegtay in ay aaminsan tahay hotel caan ah oo dalxiisayaal iyo ganacsataba ay degen yihiin in la weeraro.

Safaarada ayaa ku talisay muwaadiniinta Maraykanka inay taxadar muujiyaan marka ay booqanayaan hotelada ku yaal caasimada Nairobi.

“Haddii aad degen tahay Hotel,ogow nidaamka hotelku uu ugu diyaargaroobay badbaadada ama meel aad uga baxsan karto haddii uu weerar dhaco.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa muwaadiniinta Maraykanka lagu amray in ay hubiyaan qorshahooda ammaanka isla markaana la socdaan warbaahinta.

Qoraal ka soo baxay Booliska magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in la kordhiyay ciidamada Booliska ee gudaha magaalada iyo hareeraheedaba.