Ururka Ahlu Sunna oo ku eedeeyay dowlada federalka inay colaad ka abuurayso Galmudug

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Ururka Ahlusunna ee Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Federalka ay ka wado abaabulka dagaal oo markale Dhuusamareeb ka dhaca iyo weerar lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna.

Qoraalkan ayaa waxaa loogag hadlay iskahorimaad xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb,waxaana lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihin hoggaanka Ahlusunna.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa degen saaka inkastoo ay weli jirto xiisad ka dhalatay iskahorimaad ka dhacay xalay magaalada Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir