Ciidamada Maraykanka oo duqeyn ka fuliyay deegaan ka mid ah gobolka Sh/hoose

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa sheegay inay si wadajir ah duqeyn uga fuliyeen deegaan ku dhow Kuunyo Barrow ee gobolka Sh/hoose.

Duqeyntan ayaa lagu sheegay in lagu diley labo kamid ah dagaalamayaal ururka Al-Shabaab.

Qoraalka kasoo kala baxay Taliska Howlgalada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM waxaa lagu sheegay in aanu jirin waxyeelo gaartay dadka rayidka oo ay xaqiijiyeen.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonaan duqeymaha ay ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Hase yeeshee majirto war madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamada Maraykanka iyo kuwa dowlada federalka.

Maraykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka geystaan dalka Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadkan,hase yeeshee waxaa jira dad rayid ah oo ku dhinta duqeynta ay ciidamada Maraykanka ka geystaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.