Hoggaamiyaashii Ahlu Sunna oo isu dhiibay ciidamada dowlada federalka

Hoggaamiyaashii ururka Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha Galmudug ayaa ugu dambeyntii isu dhiibay ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay ciidamadoodii ay isdhiibeen.

Wadahadalo xalay oo dhan socday ayaa sababay in saaka waaberigii ay gudaha u galaan xarunta Inji oo ahayd halkii looga talinayay ururka Ahlu Sunna ciidamo uu hoggaaminayo taliyaha guutada 15aad ee qeybta 21aad General Mascuud Maxamed.

Dowlada Federalka ayaa la sheegay inay diiday dalabkii hore ee madaxda Ahlu Sunna oo ahaa inay isu dhiibayaan ciidamada AMISOM.

Ururka Ahlu Sunna oo hore wadahadalo ula galay dowlada federalka isla markaana ku wareejiyay hubkii iyo ciidamadii ay lahaayeen ayaa hadda u muuqda inuu soo gabagaboobay xilligii ay awood siyaasad ama mid ciidanba ku lahaayeen gobolka Galgaduud.