Maraykanka iyo kooxda Daalibaan oo heshiis kala saxiixday

Dowlada Maraykanka iyo kooxda ka dhisan dalka Afghanistan ee Daalibaan ayaa heshiis ku gaaray maanta dalka Qadar kadib wadahado socday bilihii la soo dhaafay.

Heshiiskan ayaa suurtogalinaya in ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka Afghanistan 14-ka bilood ee soo socda taasi oo soo afjareysa colaadda 18 sano jirsatay ee dalkaasi.

Heshiiskan ayaa qoraya in ciidamada Maraykanka ay si tartiib tartiib ah uga baxaan dalka Afghanistaan.

Heshiiskan ayaa waxaa ku kala saxiixday caasimadda Qatar ee Doha, ergayga wadaxaajoodka ee Mareykanda Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda ee Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar.

Sidoo kale,waxaa goobjoog ka ahaa munaasabada saxiixa heshiiska Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

Dhinaca kale waxaa magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan gaaray wafdi uu horkacayo Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper isagoo kula kulmaya caasimada madaxda dowlada Afghanistan si uu uga dhaadhiciyo ujeedka heshiiska.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Taliban iyo xukuumadda Afghanistan iney fursaddan ka faaiideystaan, isaga oo xusay in haddii laga dhabeeyo ka mira dhalinta waxa lagu heshiiyey ay taasi horseedi doonto soo afjarista colaadda Afghanistan iyo in ciidanka Mareykanku ay dalkooda ku soo laabtaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in maalmaha soo socda uu bilaaban doono wadahadalo dhex mara ergo ka socota dowlada Afghanistan iyo kooxda Afghanistan.