Sheekh Maxamed Shaakir oo sheegay in ammaankooda ay ku wareejiyeen General Mascuud

Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in mas’uuliyadda ammaankooda iyo hubkoodaba ay ku wareejiyeen Taliya guutada 15aad ee ciidanka xoogga dalka.

Sheekh Shaakir oo goor dhow la hadlay saxaafada ayaa sheegay in mas’uuliyada ammaanooda, tan magaalada Dhuusamareeb, gadiidkooda iyo hubkoodaba ay ku wareejiyeen Taliyaha guutada 15-aad Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame oo ciidamadiisu ka qeyb galin dagaalkii shalay ay la galeen ciidamada dowladda.

General Mascuud ayaa ahaa Taliyihii ciidankii la qarameeyey ee Ahlu-Sunna, waxuuna hadda hoggaamiyaa guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

“Waxaan u tanaasulnay shacabkeena markaan aragnay in dhib badan soo wajahan yahay.”ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

“Hore ayaan ugu dhiibnay amnigii magaalada Dhuusamareeb waxaana laga rabaa in dowladu ay qaado mas’uuliyada amniga.”ayuu sii raaciyay Sheekh Maxamed Shaakir.

Xarunta Inji oo ahayd xaruntii Ahlusunna ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowlada federalka waxaana xaruntan xalay lagu garaacay madaafiic iyadoo burbur xoog leh uu ka muuqdo.