Akhriso:Magacyada Xildhibaanada Kenya ee booqashada qarsoodiga ku tegey Muqdisho

Illaa 11 xildhibaan oo laga soo doorto gobolka Waqoyi Bari Kenya ayaa su’aalo lagu weydiinayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kenya kadib markii fasax la’aan ay booqdeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa waxaa haatan laga soo wareejiyay garoonka diyaaradaha Wilson Airport iyagoo la keenay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Sida laga soo xigtey garoonka diyaaradaha Wison Airport oo ay ka soo degeen xildhibaanadan lix ka mid ah ayaa laga soo doortaa Mandhera saddex Wajeer ah iyo labo Garissa laga soo doorto.

Xildhibaanadan ayaa kala ah; Kullow Maalim (Banisa), Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West), Adan Ali sheikh (Mandera South), Mohamed Dahir (Dadaab) iyo Ahmed Bashane (Tarbaj).