Kenya oo su’aalo weydiineysa xildhibaano safar qarsoodi ah ku tegey Muqdisho

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in saldhig ku yaal garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi su’aalo lagu weydiinayo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya oo safar qarsoodi ah ku tegey magaalada Muqdisho.

Gaadiid ay leeyihiin Ciidamada Dembiyada culus iyo unugyada booliiska ee la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa lagu arkay garoonka diyaaradaha Wilson halkaasoo xildhibaanada su’aalo lagu weydiinayo.

Shabakada Jowhar.com ayaa xalay daabacday in xildhibaanadan ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo ayna gaareen caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Mid ka mid ah taleefishinada dalka Kenya ayaa shaaciyay in xildhibaanada gaaray Muqdisho ay la kulmeen saraakiil ka tirsan hay’ada Nabadsugidda Qaranka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war rasmi ah oo ka soo baxaya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo la xiriira safarka xildhibaanadan.