Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay cudurka Coronovirus

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka hadashay cudurka ku sii fidaya caalamka ee Coronovirus kaasoo in kabadan saddex kun oo ruux ay ugu dhinteen wadamo ku kala yaal qaaradaha adduunka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadku ayaa lagu sheegay in uusan wali ka jirin xaalad la xariirta cudurka COVID-19 dalka Soomaaliya.

“Wasaaraddu waxay qaadday tallaabooyin iyo dadaallo looga hortagayo cudurka COVID-19 iyadoo kaashanaysa hayadaha kala duwan ee dowladda, sida Wasaaradda Gaadiidka & Duulisata Hawada, Hayadda Duulista Rayidka, Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Wasaaraddaha iyo Xafiisyada kala duwan,”ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Wasaaradda waxay ka codsatay dhammaan bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan inay qayb ka qaataan ka hortagga iyo la dagaalanka cudurka COVID-19.