Guddoomiyaha Maxkamada Sool oo qarax lagu diley

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in guddoomiyihii maxkamada gobolka Sool Xasan Sheekh lagu diley qarax loogu xirey gaarigiisa.

Qaraxa gaariga ee lagu diley guddoomyaha gobolka Sool ayaa laga maqlay inta badan magaalada oo aan hore looga baran qaraxyo. Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxan.

Ciidamada ammaanka magaalada Laascaanood ayaa bilaabay baaritaan la xiriira cidii ka dambeysay falkan lagu diley guddoomiyaha Maxkamada.