Magaalada Hargeysa oo laga bilaabay dadka ka yimaada Shiinaha in la karantiilo

Maamulka Somaliland ayaa bilaabay in dadka ka soo dega garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee ka imanaya dalka Shiinaha in la karantiilo si looga hortago xanuunka Coornvirus.

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa ku tilmaamay sababaha loo karantiilayo dadka inay tahay looga baaro fayruska Corono, isla markaana loola socdo xaalkooda wixii ku soo kordha mudadaasi.

Sidoo kale masuuliyiinta wasaraada caafimadka Somaliland ayaa sheegay in dadkaasi ka yimid Shiinaha ku karantiimeysay goobo ay Wasaaradu ka hirgelisay gudaha garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen in dadka ka yimaada Shiinaha si gaar ah u baaraan, isla markaana muddo labo todobaad ah ay ku hayaan goobaha wasaaradu ugu talo-gashay, iyadoona laga joojiyay inay wax xiriir ah la sameeyaan dadka.