Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii maanta ka dhacay Beled-Xaawo

Wararka ka imanaya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo taabacsan maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa iskii uu joogsaday iyadoo la soo sheegayo inay jirto cabsi laga qabo in dagaalka markale uu dib u qarxo,waxaana jira qoysas ka barakacay xaafadaha u dhow xadka Soomaaliya  iyo kenya.

Illaa hadda la ma oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in dad rayid ah iyo ciidamo ku dhaawacmay dagaalka la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Mandhera.

Ciidamada daacada u ah Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin dhinaca xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya halka ciidamada dowlada federalka dhowaan geysay gobolka Gedo ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Beledxaawo.