Xildhibaano xilal muhiim ah ka hayay Xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran oo is casilay

Guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha Siyaasada ee xisbiga UPD Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir iyo Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo ka tirsanaa Xisbiyada Himilo Qaran ayaa ku dhowaaqay inay iska casileen Xubinimadii Xisbiyadaas.

Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo istaratejiyadda Xisbiga UPD ayaa qoraal uu isaga casiley Guddoomiye kuxigeenkii Xisbiga iyo Xubunimadii Xisbiga waxaa uu u gudbiyey Guddoomiyaha Guddigaas, inkastoo uusan sheegin sababta uu isku casilay.

Sidoo kale, Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa qoraal uu u direy hoggaanka Xisbiga Himilo Qaran oo uu ka tirsanaa ku sheegay inuu iska casilay xilkii Guduga Fulinta iyo xubinimadi xisbiga Himilo Qaran.

Ku dhowaaqista ka bixitaanka xisbiyadii ay ka tirsanaayeen labadan xildhibaan ayaa ku soo beegmeysaa iyadoo xaalada siyaasadda dalka marayso meel xasaasi ah.